Shirkadda Dahabshiil Garoowe Oo Lagu Eedeeyey Qaladaad Kadhan ah Macaamiisheeda
GUDOOMIYAHA MAXKAMADA DARAJADA
1AAD GOBOLKA NUGAAL IYO SHIRKADDA
XAWAALADA DAHABSHIIL OO DACWAD LAGU SOO OOGAY.
Garowe: 17.09.2011
Waxaa maalmahii ugu dambeeyay ee bishan ka socday Magaalada garowe Casimada Puntland arrin foolxun oo ka yaabisay bulshada ku dhaqan Magaalada garowe, Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1aad gobolka nugaal, warqad uu qoray oo uu ku xayiray Dahabshiil account, isla markaana uu ku fasaxay account-ka oo aan wax OG: LAHAYN!!!!!!
Sharciga & dastuurka dalka wuxuu qorayaa warqad kasta oo maxkamad ka soo fusha ama dacwad eedaysane ha ahaato ama mid account- lagu xanibayo amase lagu fasaxayo in Ogeysiin la siiyo cida account-ka ku qoran.
Faahfaahinta dacwada & nuqulkii maxkamada ka bogo inaad akhrisato.
FADEEXADII SHIRKADA XAWAALADA DAHABSHIIL:
Waxaan qirayaa in Shirkada xawaalada dahabshiil ay ahayd Hormuudka xawaaladaha, waxaa ayaan daro noqotay in shirkadu ay iska ogolaato in account ay iyadu mas’uul ka ahayd marna la iska xirto, marna la iska furto xisaabta ku jirta & dhaqdhaqaaqa account-ka ay u sheegto shaqsiyaad aan account-ka shaqo ku lahayn!! Hadaba sidee loogu keydsan karaa lacag DAHABSHIIL, mar hadii xog- shaqsiyadeedka ay iska bixineyso?
MAAMULKA PUNTLAND:
Waxaan kula dardaarmayaa Maamulka Puntland, Maxkamaduhu waa labiska dowladnimo, waa kala hagaha bulshada, waa ilaaliyaha dalka iyo dadka, cid u qalanta ama aqoonteeda leh ha gardaadiso hawlaha maxkamada, Shaqooyinka maxkamadaha waxay u baahan tahay qof aqoon leh oo Diin & maadi yaqaan, maaha nin Macallin dugsi quraan ahaa oo aan dugsi dhexe ka bixin, iskaba daa dugsi sare la yiraahdo gudoomiye ama garsoore ka noqo maxkamad.


